Guddoomiye Aadan Madoobe oo laamaha amniga G/Bakool kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab written by Warsan Radio 13/12/2022 Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu kulan la yeeshay saraakiisha ciidanka Qeybta 60-aad Guutada 9-aad ee ku sugan degmada Xudur Gobolka Bakool.Ku-simaha Madaxweynaha JFS. ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Booliska ee ku sugan magalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ku boggaadiyay sugidda amniga deegaanada iyo dadaalka joogtada ah ay ku bixiyaan la dagaalka Al-Shabaab isagoo na ku dhiirageliyay saraakiisha ciidanka ineysan marnaba ka niyad jabin dagaalka dalka looga saarayo.Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sii wadi doona kulamada kala duwan ee uu ka wado Magaalada Xudur, isaga oo sidoo kale booqan doona Xarumo muhiim ah oo kuyaalla degmada Xudur. Guddoomiye Aadan Madoobe oo laamaha amniga G/Bakool kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab was last modified: December 13th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Guddoomiye Cali jeyte oo faah faahiyay sababta uu uga baxay Guddiga next post Howlgalka ATMIS oo ku dhawaaqay inay ku biirayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee socda You may also like Mahdi Guuleed Oo La Kulmay Nicolas Berlanga 07/09/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 13/02/2022 Akhriso: War-murtiyeedka Ka Soo Baxabay Kulankii Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland 27/06/2020 DHAGEYSO: WARKA CAAWA EE IDAACDA WARSAN 27/03/2020 AN UNINTENSIONAL FEMALE MARRIAGE NUMBER IS GROWING IN SOMALIA 18/04/2014 Faah faahin: Maleeshiyaad hubeysan oo weerar ku dilay 5 Carruur ah 08/08/2023 Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulan la qaatay Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha 19/05/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 03/10/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 21/05/2021 Ergeyga QM oo Boorriyay Ixtiraamka Xorriyadda Saxaafadda ee Soomaaliya 03/05/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.