Kumannaan qoys oo ay saameysay abaar ka jirta gobollada Baay iyo Bakool ayaa labadii bilood ee u dambeysay ku soo barakacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qoysaskan oo u badan beeraley waxaa ka dhammaaday keydkii uga haray dalagyadii ay horay u goosteen, iyadoo roob-yari gobolladan ka taagneyd labadii sano ee la soo dhaafay ay hoos u dhigtay wax-soo-saarkii beeraha.
Guddoomiyaha arrimaha samafalka ee maamulka gobolka Baay, Cumar Maxamed Cali ayaa Warsanradio u sheegay inay diiwaangeliyeen in ka badan 4,000 oo qoys oo ay abaarta ka soo barakicisay Diinsoor, Qansaxdheere, Ufurow iyo tuulooyinka hoostaga ee gobolka Baay iyo deegaanno kale oo dhinaca Bakool ah. Wuxuu xusay in dadkan markii ay magaalada yimaadeen ay intooda badan ku biireen xeryo ay horay u deggenaayeen dad soo barakacay, qaarka kalena ay dulsaar ku noqdeen eheladooda.
Nuuney Macallin Isxaaq oo wadata afar carruur ah waxay ka mid tahay 50 qoys oo ku biiray xerada lagu barakacay ee 11-ka Jannaayo. Waxay abaartu ka soo barakicisay degmada Diinsoor oo 120 km u jirta Baydhabo, iyadoo xerada timid 10-kii bishan Sebtembar. Nuuney ayaa Warsanradio u sheegtay inay soo lugeeyeen 90 km, waxayna soo socdeen muddo shan maalin ah. Markii ay yimadeen deegaanka Goofgaduud oo 30 km u jirta Baydhabo ayay bajaaj ku soo raaceen lacag $30 ah oo ay telefoonka ugu direen dad ehelkeeda ah oo jooga Baydhabo.
Nuuney ayaa xustay in muddo sanad ah aanu wax dalag ah uga soo goโin beer ay lahaayeen oo ay ku tiirsaneyd nolosha qoyska. Beerta oo 10 hiktar ahayd intii aysan qallalin waxay ku abuuran jireen digir, galley iyo masaggo. โBaahi iyo harraad daran ayaan muddo u adkeysaneysay. Markii dambe waxaan goโaansannay inaan halkan nolol ka soo raadinno, welina cid na caawisa ma helin,โ ayay tiri.
Dadka soo barakacay waxaa xeryaha qaar looga hirgeliyay iskuullo, waxaana loo dhisay musqulo iyo aqallo jiingado ah, laakiin gargaar cunto ah ma helaan oo inta badan waa dad noloshooda ka dabbara shaqooyin yaryar oo ay magaalada ka qabtaan.
Xaawo Cabdi Cali oo ka mid ah beeraleyda soo barakacday ayaa Warsanradio u sheegtay in ay maalintii toddobaad ku hoyaneyso xero lagu barakacay, isla markaana aysan haysan wax ay cunaan, iyada iyo labadeeda carruurta ah ayay xustay inay habeenkii seexdaan meel bannaan oo dhaxan iyo qabow leh. โCarruurta way ku qandhadeen meeshan bannaan ee aan seexiyo,โ ayay tiri. Sababta ugu weyn ee ay magaalada u yimaadeen ayay ku tilmaantay inay tahay meel ay ka heli karaan fursado shaqo ama ciddii caawineysa ay ugu imaan karto.
Xaawo ayaa sheegtay in xaaladdooda ay sii xumaatay markii roobkii guโga uu si wanaagsan uga diโi waayay deegaankooda bilihii Abriil ilaa Luulyo, markaas oo ay rajeynayeen inay dalag ku abuurtaan beertooda oo ku bixi jirtay biyaha roobka.
Guddoomiye ku-xigeenka degmada Baydhabo Aadan Cali Aadan ayaa Warsanradio u sheegay in ay qorsheynayaan inay hayโadaha samafalka u bandhigaan xaaladda dadkan, maaddaama ay baahida dadkan ka badan tahay mid uu maamulkoodu wax ka qaban karo
W/Q/Wariye:Muxidiin Xasan Maxamed(Xusni)