Baydhabo(WRB)Waa sheeko ka hadlaysa wiil in badan waano iyo wacdi wax ku qaadan waayay, kadib mar danbe ogaaday in markii la waaninayay u ekayd in uu wax ku qaato,laakiin caqli xumo iyo garaad yari uu la jaal ahaa seejisay wixii fursad ahaa ee xiligaa haddii uu wax ku qaadan lahaa , manta uusan urugo iyo ciil dib ugu gocdeen wixii uu isaga is yeelay ee manta uu ogaady waqti xeero fandhaal kala dhaceen.
Cali, “asalaama calaykum, Aadan?”
Aadan “wacalaykuma salaam, Cali?”
“Aadanoow walaal waad murugsantahay,wajigaaga waxaa iiga muuqda murugo iyo tiiraanyo,ee maxaa ku helay ee aad la murugoonaysaa ,wax ii sheeg haddii ay suurtagal tahay in aan wax kaala qabto ,kolay talo ahaataba?”
Aadan “iga daa walaal caliyoow, murugtayda ma ahan mid haddii aan kuu sheego iminka aad wax igala qaban karto , aniga in ay igu kali ahaato wax dhaama malaha, ee waxba ha’is shiddaynin ee orodoo is ka bax .?”
Cali “heedhe Aadanoow sided iila hadlaysaa ma anigaad manta wax iga qarsanaysaa, oo arin adiga ku murjinaysa I leedahay aniga haygu kali ahhato.
Sideey wax kaa yihiin ,miyeynaan labadeena ahayn saaxiibo dhib iyo dheef wadaagaa,oo wixii midkeen ku soo kordha isu sheega dabadeedna wada xaliya.?”
Aadan “Caliyoow sidaas maaha qaabkaad u fahamtay hadalkayga, ruuxna ma mooga in aan nahay saaxiibo isku dhaarta oo nafta ay u dhaxayso. Balse aan kuugu celiyee hadalkayga , arintan I murjinaysa ma’ahan mid aad adiga wax igala qaban karto waayo waa mid igu kali ah oo aad adigaba qayb ka ahayd dadkii igu waaninanayay in aan daayo inta aysan ila tagin xili aan waxba laga qaban Karin oo ay talo fara ka bixin.?”
Cali “Aadanoow,hadalka ha’ii dulmarine si toos ah diirka uga qaad. “ileen waa tii la yiriye.” “run iyo ilkaba waa la caddeeyaa.”
Aadan “arintan I murjisay in aad ogaato ayay kaaga dhegtay si aad aad wax iigala qabato, anna waxay iiga dhegtay in ay igu kali ahaato si aanad ugalin mushkilad kugu keenta murugadayda oo kale, ee Caliyoow ila daa tayda si aan kaligeey ugu gudbo iyadoo cidna waano iyo talo igu siin xalka arintan I murjisay.”
Cali “Aadanoow soomaalidu waxay tiraahdaa.” “war le helaaba talo la hel” ee adoo taan maanka galinaya armay roontahay in aad ila wadaagto arinkan si aan ugu yaraan fikrad ama tallo kuu siiyo, ileen talo adaa ku nool ee iyada kuguma noola ayaa la yiriye.”
Aadan “Caliyoow walaal waxaad ma moogtahay “tiiraanyo cudur iyo nimey towsi haysaa ileen taah ma daayo” anna arinkaygu waa “I taageer Allahayoow arintayda kala taal adaa toosin karaya”. Ee sidaas haynoo ahaato, nabadeey.”
Cali : “waayahay. Aniga waan kuu daayay taada ee ann aragno halkeey ku gayso waxaad kaligaa isku koobtay iyo arinkaad xalkiisa kaligaa go’aansatay in aad hesho.
Cali “wallee waa yaab, waxaa horay loo yiri “waxaad qarsato wey ku qarsadaan” saaxiibkeey Aadan arinkan uu iga qarsanayo ee uu diiday in uu ii sheego walee maalin buu ii sheegi doonaa, waase goor danbe ee aan aniga waxba ka qabankarin, bal aan arko halka uu dhaanka ku furo .”
Aadan wuxuu saaxiibkiis ka qarinayay qaan la go’day kadib markii uu bartay balwadda gaar ahaa Jaad iyo Sigaar taasoo saaxiibkiis uusan ku ogayn intii ay wada dhiganayeen dugsiga sare . cali iyo aadan waxay is moogaayeen muddo toban sano ah. Cali wuxuu jiray dalka dibadiisa ee uu waxbarasho lacag la’aan ah ka helay markii iskuulkii ay wad dhiganayee isaga iyo saaxiibkiis uu ka galay kaalinta koowaad. Waxay kuwada xiriiri jireen muddadii ay kala maqnaayeen khadka teleefoonka iyo baraha bulshada oo aan lagu ogaan Karin waxa ku soo kordhay qofka inta ay kala maqanyihiin. Balse waxaa dhici jirtay in cali mararka qaar uu soo Waco saaxiibkiisa in uu ka maqanyahay xaafadda in ay u sheegi jirtay Aadan walaashiis. Taasi waxay cali ku beertay shaki ah in saaxiibkiis aadan uu bartay balwad . cali isagoo shakigaa qaba ayuu dhowr jeer saxiibkiis ka waaniyay in uu san u talaabin isakana jiri khatarta balwadda si aysan ugu dhicin mustaqbal xumo iyo dib u dhac nololeed.
Waa sidii uu filayaye waa danbe oo cali lagala wareegay aqalkii ay reekiisu deganaayeen ayaa isagoo mudloosan oo luudaya wadada isaga hor yimaaden saaxiibkiis cali oo u sii socda jaamacad uu bare ka ahaa. Indhaha isagoo raba aragtidii hore in ka dadbado ayaa cali saan ku boobay saaxiibkiis Aadan .
Cali “war saaxiibkeey Aadan ahaa, ii waran ma nabad qabtaa hooyo iyo reeka kawaran”.
Aadan “Caliyoow adduun labaa dulaysay.” “wax kugu soo socdo oo aan laguu sheegayn, iyo wax ku soo dhaafay oo aan dib laguugu celinayn”. Aniguna tabtii ayaan ahay ee saaxiib wakaa warkayga. Reerna war uma hayo. Wakaa halkay duni I dhigtay.”
Cali “Aadanoow maxaad I tiri reer war uma hayo, ismoogeen maxaa reeka adiga idinkala dhantaalay oo aad u kala irdhoowdeen. Bal ii waran adoo si fiican warka iigu sheegaya”.
Aadan “wagii isugu kayn dambaysay soo ma ogayn in ay I haysay murugo, markii aad I weydisay aan kugu iri ,waa arin ii gaar eh ee haygu kali ahaato”.
Cali “haa”
Aadan “Caliyoow gadaashaa waxaan bartay balwad , sidii aan ugu qayilayay amah wey ila go’day waxaana laygu yeeshay dayn badan oo aan bixin waayay. Markii danbe waxaan iibiyay gurigii ay reerku deganaayeen , waxaan soo fariisiyay reekii meel maran anigana sidaas ayaan deyro kaga noqday reekii ,wad aragtaa manta in aan kaligeey cilodladaa sheekaysanaya oo hadba mar goconayo waano iyo talo wixii walaal isiin jirayy ,ee aniga dheg jalaq u siin waayay ,ee waad aragtaa tan iga raacday”.
Cali “Aadanoow,” “Adaa isyeelay ,shalay hadaad ii sheegi lahayd talo ayaan ku siin lahaa maantase waa meel maran far ku taag. Jaw saaxiib. “ADIGAA IS YEELAY”.
W/Q/Wariye:Muqtaar Sheekh Aadan (Dalmar)