[WARSANRADIO}Dowladda Kuuriyadda Waqooyi ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay jawaab adag ay ka bixiso daandaansiga dowladda Mareykanka.
Khilaafka labada dal ayaa yimid kaddib markii dowlada K/waqooyi ay tijaabisay dhowr gantaal taasi oo ka careysiisay dalal ay kamid yihiin Japan iyo Mareykanka.
Wasiir ku xigeenka arrimha dibada ee Kuuriyadda Waqooyi Mr Han Song-ryol ayaa isna dhankiisa sheegay in uu rumesanyahay in Madaxweynaha Mareykanka uu wado qorshe uu ku burburinayo dalkiisa.