Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta kulan ku yeesheen Magaalada Baydhabo ku ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka codsaday xildhibaanada Baarlamaanka in ay codka kalsoonida ah ay siiyan Wasiirada, si ay u qabtaan adeegyada ay Bulshada ka sugayaan.
Kulanka waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.
112 mudane ayaa ogolaatay,5 waa ay diiday halka 6 kalena ay ka aamuseen, sidaasi dareedeed Guddoonka Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay ansax yihiin golahaasi Wasiirada.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa intaasi ka dib u mahadceliyay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, isagoona ugu baaqay in ay dardargeliyaan Shaqadooda.