Ciidamada Badda ee Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay Doon Hub siday oo xalay xilli dambe laga dejinayay agagaarka Xeebta magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Doonidan ayaa waxaa saarnaa hub isugu jiray qoryaha dhashiikaha, BKM, AK47, bastoolado, rasaas iyo silsilada qoryaha dhashiikaha lagu xiro.
Sarkaal ka tirsan Ciidamadda Badda Puntland oo lagu magacaabo G/sare Maxamed Maxamuud Xasan ayaa sheegay in doonidan hubka sidan laga soo qabtay meel 9Km u jirta magaalada Boosaas.
Waxaa uu sheegay in hubkan uu yahay qeyb saarneyd Doonta, balse qeyb labaad oo hubka laga dejiyay xeebaha Boosaaso ay gacanta ku hayaan Ciidamada Booliska.
Sidoo kale waxaa uu tolmaamay in ganacsato la rumeysan yahay inay hubkaas lahayaeen ay ku daba jiraan, isla markaana sharciga la horkeenayo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in hubkan loo waday deegaanada Gobolada Dhexe, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn cida uu u socday, waxaana lagu soo waramayaa inay lahaayeen Ganacsato ka soo jeeda Puntland oo ka ganacsada Hubka..
Ma ahan markii u horeysay ee Ciidamada Badda Puntland ay gacanta hub laga soo dejinayay xeebaha bari ee Puntland, waxaana inta badan hubka u soo degaa Ganacsato.