Ganacsiga Suuq Bacaad Oo Maanta Xiran Iyo Maamulka Degmada Oo
Ka Shiraya.
Waxaa Maanta gebi ahaanba xiran Ganacsigii Suuqa labaad ee ugu weyn Soomaaliya
ee Suuq Bacaad ย kadib amar ka soo baxay maamulka degmada Yaaqshiid kaas oo ku
saabsan dhanka amniga.
Shalay ayaa Suuq Bacaad waxaa lagu dilay Askari ka tirsan ciidamada kuwa Canshuurta
qaada ee loo yaqaano Minashiibiyada, iyada oo kooxdii ka dambeysay dilka Askarigaas
ay goobta ka baxsadeen.
Gudoomiyaha degmada Yaashiid Axmed Xasan Maxamuud ย oo ay Warsan la xiriirtay
ayaa sheegay in sababta ay suuqa u xireen Maanta ay tahay in Suuqaas dhowr mar dad
lagu dilay isla markaana Ganacsatadu iyaga oo u jeedaan dadka dilka geestay ay ka
aamusaan.