Dhismaha Dowladaha Hoose ee Degmooyinka Maamul Goboleedka
Koofur Galbeed Soomaaliya Oo socda iyo Degmada Xudur Oo dhismaha
Maamulkeeda uu Marayo Heer Gabo Gabo ah.
Wadajir Frame work waa fikrada ka timid hal abuurkeeda Dowlad goboleedyada dalka,kaasoo u jeedadiisu tahay Sidii dowladnimada hoos loogu daadajin lahaa oo loo gaarsiin lahaa Degmo ilaa Tuulo iyadoo Bulshada ku dhaqan deegaanadaas ay dhisanayaan maamul ay iska dhexdoortaan oo u adeegaya
danahooda isla markaana u soo gudbinaya baahiyahooda Dowlada Goboleedyada ay ka tirsan yihiin.
Waa qorshe meelmaray oo socda walina soo gaaray heer wanaagsan. Inkastoo u soo maray heerar kala duwan oo isugu jiray bilaaw adag oo u baahnaa iska dhaadhicin iyo wada tashi Dowlad goboleedyada Dhexdooda ah iyo taagero dhaqaale oo lagu socodsiiyo Mashruuca sidii loogu heli lahaa.
Waxay caqabado soo wajahaan Mashruucan oo laga soo talaabo, waxaa Markii ugu horaysay hirgalinta
Barnaamishka Dhismaha Dowladaha hoose ee Dowlad Goboleedyada ee loogu magic daray Wada jir BFrame Work uu ka bilaawday Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya iyadoo wasaaradda Arimaha Gudaha M.G.K.G.S ay noqotay wasaaraddii ugu horaysay ee ku guulaysatay in daahfurto Mashruucan oo ay ku bilaawdo Dhismaha Dowladaha Hoose Sedex Degmo oo ka tirsan Gobolada Baayiyo Bakool.
Degmada Xudur waxay noqotay Degmadii ugu horaysay ee Soomaaliya oo laga bilaabo Dhismaha Dowladaha Hoose waxaana uu marayaa heer gabo gabo ah.
Waxaa la dhisay oo ilaa iminka lagu guulaystay in Bulshada ay soo daartaan 27 Mudane oo u matali doona Beelaha ku dhaqan Degmada Xudur Golaha Degaanka degmada.
Habka wax qeebsiga waxaa ay wasaaradda Arimaha gudaha ku
salaysan 4.5 kaasoo ah Hanaanka Saami qaybsiga Dhismaha Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.
Sidoo kale Degmada Ceelberde ayay wasaaradda Arimaha Gudaha Dabayaaqadii Bishii September ku soo daah furtay iyadoo Meel isugu Keentay Odayaasha Dhaqanka Bulshada Degmada Ceel berde si ay ugu heshiiyaan Maamulka Degmada loo samaynayo Sidii ay uga arinsan lahaayeen una qabsan lahaayeen Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada ceel Berde.
Hay adaha Taageera Barnaamishka Dhismaha Dowladaha Hoose ee Dowlad Goboleedyada dalka waxay kulan kula qaateen Magaalda Baydhabo Wasaaradda arimaha Gudah iyo Wasarado kale oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed iyadoo ujeedada Kulankaasi uu ahaa qiimayn iyo xog waraysi ku aadan halka Dhismaha Dowladah Hoose u marayaan D.K.G.S.
Wasiirka Arimaha Gudah K.G.S Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa Kulankaasi Kadib Saxaafadda uga waramay Kulanka waxaa uu ku saaabsanaa iyo Hayβadaha ka qayb qaadiniya Fududaynat Dhismaha Dowladaha hoose ee Wadajir Farme work isagoo intaas kadib u boqoolay Degmada Xudu oo uu ilaa iyo Iinka ku suganyahay iyafoo maamul usamaynat Degmada Xudu uu Marayo Heer gabo gabo ah oo
dhowaana la filayo in golaha deegaanka Xudur ay Doortaan Gudoomiye Cusu oo ay iska dhex doorteen Xildhibaanada Goloha Deegaanka Xudur.
W.Q. wariye Mukhtaar Sheekh Aadan Dalmar. Wakiilka websitka Wadaninews24.