{WARSANRADIO} Ra’iisul wasaaraha Lubnaan Saad El-Din Rafik Al-Hariri, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi, kadib markii uu TV-ga ka sheegay inuu naftiisa u baqay.
Markii uu ku dhawaaqay inuu xilkaasi iska casilay ayuu eedeyn u jeediyay dowladda Iran isaga oo cambeeraayay taageerada ay siiso ururka Xisbullah.
Sacad Al xariiri, aabihii oo ahaa ra’iisul wasaare hore ayaa lagu dilay shirqool dhacay sanadkii 2005.
Sacad, ayaa ku eedeeyay dowladda Iran inay burbur ku wado wadamo badan oo carab ah oo ay ku jirto dowladda Lubnaan.
Bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay ayaa Al Xiriiri loo magacaabay xilkaan isaga oo horey ra’iisul wasaare dalkaasi kaga noqday intii u dhaxeysay sanadihii 2009 ilaa 2011.
Sacad Al xiriiri, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga ayaa yiri “Waxaan iska casilay xilkayga anigoo ka baqay in nafteyda la bartilmaameydsado”.
Mr Xariiri, ayaa weeraray kooxda Taageerada ka hesha dowladda Iran ee Xisbullah oo awood ku leh dalka Lubnaan.
Sacad Al xariiri, ayaa marar badan booqasho ku tagay dalka Sacuudiga oo si weyn kaga soo horjeedo dowladda Iranmaalmihii lasoo dhaafay.