Saakey waxaa la toogtay 4 nin oo ka tirsan ururka Al-Shabaab kuwaas oo ka dambeeyay qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay Baydhabo 28/02/2016.
” Taariikhdu Markay Ahayd 12/03/2016 Abaaro 09:00 subaxnimo waxay Maxkamada Dar 1aad Ciidamada Qalabka Sida Ufariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Gacan ku dhiiglayaasha kala ah:-
1- Xasan Aadan Mursal 23 jir ah ina Cibaado Mursal ku dhashay Bakool.
2- Cabdi-Ladhiif Macalin Aadan C/raxmaan 34 jir ah ina Dowlaay Aadan Yare ku dhshay Baay.
3- Siyaad Xasan Faarax 41 jir ah ina Mako Haye Shiil ku dhashay Jubada Dhexe..
4-Sharmad Aawoow Maxamad 39 jir ah ina Aamino shariif Abuukar ku dhashay Baay,
kuwaas oo Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeeyey in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab isla-markaana ay abaabuleen fuliyeena qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay maqaayada bader iyo meel suuq ah oo ka agdhaw shirkada dahabshiil ee degmada baydhabo, halkaas oo ay ku nafwaayeen 80 ruux oo shacab ah , 45 kalane ay ku dhaawacmeen, qaraxyadaas oo ka dhacay degmada baydhabo Taariikhdu markay ahayd 28/02/2016, waxayna ku xukuntay maxkamada D,1aad Ciidamada qalabka sida Dil Toogasho ah.
Taariikhdu markay ahayd 15/03/2016 Waxaa rafcaan ka qaatay Xukunka Maxkamadda D.1’aad C.Q. Sida Xukusanayaasha.
Taariikhdu markii ay ahayd 28/04/2016 waxay Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida ayaa U fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay racfaanlayaasha sare ku xusan waxayna mar kale ku Xukuntay Dil Toogasho ah, kadib markii ay ku cadaatay in yihiin kuwi abaabulay fuliyayna qaraxyadii mataanaha ahaa ee 28/02/2016 ka dhacay Degmada Baydhabo.
Maanta oo ay Taariikhdu tahay 24/04/2017 waxaa lagu fuliyay Xukunsanayaasha Xukunkii dilka Toogashada ahaa. ”
2017
-
WARARKA MAANTA
AKHRISO:-Dilalka iyo kufsiga ka dhacay Soomaaliland oo la soo bandhigay
by Warsan Radio April 24, 2017{WARSANRADIO}Guddi hoosaadka shuruucda, garsoorka iyo arrimaha xuquuqal isnaanka golaha guurtida ayaa soo bandhigay goboladda dalka dilalkii iyo kufsigii ka dhacay. Guddidan ayaa warbixintan ka soo xigatay xeer ilaalinta, waxaana golaha…
-
WARARKA MAANTA
DHAGEEYSO:-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo toogatay Afar qof
by Warsan Radio April 24, 2017{WARSANRADIO}Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta 60-aad ayaa saaka magaalladda Baydhabo ku toogatay Afar qof oo Maxkamadda sheegtay in ay ka tirsanaayeen Al Shabaab. Afarta nin ee maanta la toogtay ayaa…
-
WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN OO IDINKAGA IMAANAAYEY MAGAALADA BAYDHABO JANAAY
-
WARARKA MAANTA
DAAWO VIDEO Muxuu Farmaajo u tagay Baydhabo ?Qud Badisiisa Shariif Oo Ka hadlay Wadada bay sh/hoose
by Warsan Radio April 23, 2017Diyaar garowga soo dhaweynta madaxweynaha dowlada federaalka soomaliya maxamed cabdulahi farmaajo ayaa laga dareemayey tan iyo shaley magaalada baydhabo ee gobolka bay waxana saakey garoonka diyaaradaha ee magaalada baydhabo u…
-
WARARKA MAANTA
DAAWO video MADAXWEYNE FARMAAJO OO AAD UGU FARXAY QAABKII AY SHACABKA BAYDHABO USOO DHAWEEYEEN
by Warsan Radio April 23, 2017Diyaar garowga soo dhaweynta madaxweynaha dowlada federaalka soomaliya maxamed cabdulahi farmaajo ayaa laga dareemayey tan iyo shaley magaalada baydhabo ee gobolka bay waxana saakey garoonka diyaaradaha ee magaalada baydhabo u…
-
WARARKA MAANTA
DHAGEEYSO:-Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo soo gaaray magaalada Baydhabo
by Warsan Radio April 23, 2017{WARSANRADIO}Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, halkaasoo uu…
-
WARARKA MAANTA
DHAGEEYSO:-DEGMADA TIYEEGLOOW OO KA TIRSAN GOBOLKA BAKOOL OO UU KA DILAACAY CUDURKA SHUBAN BIYOODKA.
by Warsan Radio April 21, 2017{WARSANRADIO} Ugu yaraan 143 qof ayaa ku dhimatay bishan gudeheeda Degmada tiyeegloow iyo tuulooyinka hoos yimaada kadib markii uu ka dilaacay Cudurka shuban biyoodka iyadoo todobaadkan gudihiisa uu soo ritay…
-
DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN
-
WARARKA MAANTA
AKHRISO:-Diyaaradihii qaadka geynayay Muqdisho oo ka degey garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar
by Warsan Radio April 20, 2017{WARSANRADIO} Illaa lix diyaaradood oo qaad sida ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle. Diyaaradahan ayaa ahaa kuwii subax walba ka degi jiray…
