{WARSANRADIO} Waxay ahayd khudbad caynkeeda oo kale horay loo jeedinin oo kuwii goobta fadhiyay iyo kuwii kala socday warbaahinta deganaan iyo aamusnaan ku dhageesteen. Waxay ahayd khudbad diyaarsan oo si farshaxameysan loo dhigay oo gudbinaysay dhambaal maan aadmi kiisa waxgalka ah biya dhaceeda uu durba fahmay.
Si deggan ayay dhegahooda ugu dhibcaysay dhammaan intii loo jeedinayay ee isugu jiray mudane iyo marwo iyadoo mid mid la hadlayo jirin oo aad moodayso in khudbaddani tahay tii ugu horaysay uu halkaasi ka jeediyo.
Balse uguma horaynin, muddo ayuu hor fadhiyay oo uu khudbad kaliya maahee hoowli ay ka dhaxaysay. Laakiin khudbadda ayaa ahayd mid xambaarsan xikmad,aqoon iyo damiir Soomaalinimo asal ah. Waan midda keentay in khudbadda lagu dhagaysto dhego lab u duleesha iyo qalbi dhugasho u heelan.
Bal dhagaysta si aad u ogaato khudbaddaas halka laga jeediyay,kuwa loo jeediyay,sababta loo jeediyay iyo qofka jeediyayba, waxaa muhiim ah in aan inyar ku maqashiiyo codkan, kadibna anagoo wada og sheekada ay ka hadlayso warbixinta horay u sii wadano.
Kaasi waxaa uu ahaa Gudoomiyihii hore B.F.S Prof: Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Khudbadana isaga ayaa jeediyay, waxaana uu u jeediyay Xildhibaanada B.F.S,waxaa uu ka jeediyay Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya.
Ujeedka kulanka mudanayaasha iyo khudbadda Gudoomiye Jawaari ayaa ahayd Shaacinta iscasilaadda Gudoonka B.F.S xildhibaanada hortooda kadib markii muddo lixsano ah isagoo laba jeer oo isku xigta Mudanayaasha Baarlamaanka ay u doorteen in uu hogaamiyo Mr.Jawaareey gar iyo gar daro wixii lagu maagayba ugu danbayn si rasmi ah isaga casilay jagadii Gudoomiyanimada B.f.S.
Gudoomiye jawaari khudbadiisa oo lahayd xamaas dhegaha diidayaan in ay wax kale maqlaan ayuu kaga hadlay sidii Culimada Soomaaliyeed,ardayda Iskuulada iyo jaamacadaha habeen iyo dharaar ugu jireen Alle bari iyo baaritaan ay ku ogaanayeen sharciyadda dastuurka iyo waxa ku qoran eek u aadanayd Mushkilasddii khilaafka ka dhex aloostay Hogaanka sare ee dalka.
Mudane Jawaareey waxaa uu Xildhibaanada xasuusiyay Dhaartii ay mareen ka hor intaaysankursiga ku fariisan iyo sidii ay mareen, isagana ka gudoomiya ahaan intii qof ahaan ay ku ekayd kartidiisa uu u soo gutay waajibaadkii loo igmaday isagoo markhaati iyaga ka dhigtay, sidoo kale waxaa uu Ilaaheey hortiisa Xisaabtooda ku xiray kuwii Baraha Bulshada ku faafiyay warxuma tashiilka oranayay in lacag uu ku badashay Xilkii Gudoonka B.F.S kadibna uu ogolaaday I n uu iscasilo, isagoo daliishaday quraanka kariimka ee qoolkii Eebbe.
Soomaalinimada ayuu ku faanay iyo hibada Illaaheey u siiyay Prof: Maxamed Sheekh Cusmaan in uu noqdo gudoomiye Baarlamaan laba jeer oo isku xigta ku guulaysata Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, maantana lixsano kadib uga mahad celiyay Ilaaheey in uu u soo celiyo amaanadii ay u dhiibteen taasoo uu gudoomiye jawaareey uu ku sheegay in ay ka dhigtay sooyaalka hogaamineed ee shacabka Soomaaliyeed oo gaarsiisan 56 sano oo ah ayuu yiri mid xaqiiqdii I siisay khibrad ah in dunta qofka soomaaliga ah tahay mid jecel Dowladnimada iyo Soomaalinimada.
Isagoon kala qaadin Xildhibaanada Mooshinka kuwii ka keenay iyo kuwii aan ka keenin ayuu khudbaddiisii kula dardaarmay gudoomiye Jawaareey, wuxuuna hoga tusaaleeyay qiimaha uu ku fadhiyo saxiixa Mudanaha iyo tirade shacabka codkooda uu matalo inta ay le’egyihiin, isagoo uga gol lahaa jawaareey in aysan masayrka ummadda Soomaaliyeed saxiixooda ugu ilduufin.
Waxaa khudbaddii Gudoomiyaha uu ka jeediyay Golaha ku jirtay raali galin uu u diray dhammaan ummada Soomaliyeed qeybaheeda kala Duwan ee ka xumaatay Go’aankii uu qaatay ee iscasilaada, iasagoo sababeeyay go’aankiisa tusaale xikmadaysan oo aad cajiib u ah soo qaatay Soomaalina kaga raali noqotay ayuu Gudoomiye Prf: Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ahaa sidan
Waxaase dhagaystoow muhiim ah in aan wax yar idinka xusuusiyo Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari taariikhdiisa, si aan u ogaano mudadii uu u soo shaqaynayay Ummadda Soomaaliyeed, si kuwa u malaynaya in xil Soomaali u soo qabtay uu kursigan ugu horeeyay.
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu ku dhashay Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose 7 December 1945. Jawaari waa siyaasi iyo qareen ku xeeldheer Sharciga. Kadib markii uu ka qalin jabiyey dugsiga sare, waxa uu shahaadada sarre ka qaatay kuliyadda sharciga 1982 Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, isaga oo kahor heystay Diploma macalinimo oo luqadda English-ka ah iyo Sharciga islaamka, Ka sokow afka Soomaaliga Jawaari ayaa awood u leh ku hadalka luqadaha Arabic, Italian, English iyo Norwegian.
Dhinaca shaqada waxa uu xilal kale duwan oo isugu jira xildhibaan, agaasime guud, xog-haye joogta ah iyo wasiirba kasoo qabtay dowladdii militariga ahayd ee Soomaaliya, laba jeer ayuu kasoo dhex muuqday golihii wasiirada sida wasiirka Gaadiidka, Dhulka & Cirka iyo Wasiirka Shaqada iyo arimaha bulshada, Mar waxa uu soo noqday Xog-haya joogtada iyo madaxa shaqaalaha, rayidka ee dowladdii Jamhuuriyada dimoqraadiga Soomaaliyeed,
Sanadkii 1970 waxa uu gudoomiye ka soo noqday koox diyaarisey Sharciga shaqada ee dalka Soomaaliya – Sharcigan ayaa looga gol-lahaa dib u habaynta, meelaynta shaqaalaha iyo qiimaynta xirfadleyda. Gudigaan ayaana xeerka sharciga shaqaalaha Soomaaliya waafajiyey sharciga Xaquuqda shaqaalaha ee heer caalami.
Kadib bilowgii dagaalka sokeeye 1991 Jawaari wuxuu u guuray Norway. Mar dambe ayuu kusoo laabtay Soomaaliya 2000, Waxa uu madax u noqday Golaha shuurada ururka muslimka Turnham, xubin golaha wadahadalka diimaha muslimka iyo kirishtanka, xubin maamulka sare ee fulinta Ururka qareenada socdaalka adduunka ee Norway.
Sanadkii 2008 waxaa loo magacaabay la taliye sare oo katirsan UNDP Soomaaliya, mashruuc lagu taageerayey Dastuur-samaynta Soomaaliya, wuxuu door muhiim ah ka qaatay kobcinta iyo awood-dhisidda Gudiga madaxa-bannaan ee Dastuurka Federaalka (IFCC) ee Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya (TFG) Axdiga KMG ah (TFC), wuxuu gudigu u xilsaaray in uu soo qoro dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu gacan ka geystay nuxurka dastuurka la tashiga dadweynaha, intii lagu guda jiray wuxuu fursad u helay inuu la shaqeeyo Hay’adaha QM iyo kuwa kale oo caalami ah, sida NDI, Inter-peace, MPLI & AWEPA. Bishii September 2011 iyo 2012 wuxuu noqday Gudoomiyaha Gudiga Khuburada (COE) ee dib u eegay dastuurka (CDC), kadibna soo saaray nuqulkii ugu horreeyey dastuurka qabyada ah July 2012.
20 Augusto 2012 waxa uu noqday xildhibaan golaha shacabka, halka 28 Augusto loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mar kale ayaa loo doortay isla jagadaasi Jan 2017, Jawaari ayaa iska casilay xilka gudoominimada baarlamaanka ee Aqalka Hoose bishii April 2018 kadib markii Motion kalsooni kala noqosho ah ay ka keeneen xubno katirsan Aqalkaasi. Mudane Jawaari ayaa lagu sifeeyaa aqoonyahan ku xeeldheer sharciga, hadal-yar, dul-qaad badan, kaftankiisu asluubeysan yahay , xishood badan lehna xiriira badan.
DHAMMAAD