illa todobaatan qoys oo ka soo jeeda deegaanada kgs kuna sugnaa deegaano ka tirsan gobolka hiiraan ayaa waxey ka barakacen deegaanadi ay ku noolaayeen waxeyna ku sii jeedaan magaalada balad weyne ee gobolka hiiraan
qoysaskaas oo isugu jira dhalin yaro haween iyo caruur yar yar waxey ka soo barakaceen fatahaada uu sameeyey wabiga shabeelle ee mara qaar ka tirsan gobolada dalka kaasi oo bur buriyey dhamaan guryihii iyo beerihii ay lahaayeen dadka ku socda magaalada baladweyne
yuusuf maxamed amiin oo ka mid ah dadka barakaca ee fatahaada saameynta ku yeeshey ayaa wuxuu u waramey idaacada warsan ee baydhabo isagoo sheegey iney kasoo barakaceen deegaan lagu magacaabo xaal kabarey oo 35 km u jirta magaalada baladweyne .
wuxuu intaasi ku darey iney soo raaceen doomo ay kaga soo gudbeen deegaano u dhaxeeya xuduuda soomaliya ay la leedahay itoobiya .