maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 60 aad ayaa maanta xukun dil ah ku xukuntey askari ka tirsanaa ciidanka maamulka kgs kaasi oo lagu eedeeyey inuu dil u geystey mid ka mid ah wadiyaasha mooto bajaajta oo baydhabo lagu diley
feysal nuur maxamed aadan Reer magaal ayaa lagu eedeeyey inuu dil bareer ah u geystey maxamed maxamuud maxamed oo saarnaa mooto bajaaj xili uu mareyey wadada hor marta cisbitaalka gobolka bay ee baydhabo .
Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 60 aad gaashaanle dhaxe aadan abuukar ayaa xukunka dil ka ah ku dhawaaqey .