{WARSANRADIO} Ilaa 40 Gawaarida xamuulka qaada ayuu sheegay Xildhibaanka in ay ku xayiranyihiin wadada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho kadib markii Ciidamada Dowladda Federaalka ku sugan waddadaas ay ku soo rogeen Gawaarida Xamuulka Lacag aysan awoodin ganacsatada in ay bixiyaan oo gaaraysa 40,000.000 Sh.So Gaarigiiba.
Waxaa uu Xildhibaanka sheegay in ay dhaqan gali waayeen 9kii Qodob ee madaxda Maamul Goboleedyada Dalka Iyo Dowladda dhexe ku heshiiyiin kolankii Gudiga Amniga Baydhabo ay ku yeesheen Dhowaantan kaasoo uu koow ka haa qodobka furista iyo soo celinta Amniga Wadada xiriirisa Baydhabo iyo Muqdisho.
Sidaasi darted waxaa uu shacabka K/Gs ugu baaqay in ay isku tashadaan oo ay u istaagaan furista wadadaas iyagoo is garabsanaya, ka xildhibaan ahaan uu qalqaalin doono qarashaadkii ku bixi lahaa hoowlgalkaas isagoo la kaashanaya xildhibaanada wax galka ah eek u jira Baarlamaanka Dowladda dhexe ee laga soo doorto KGS intii sanad walba la dhowri lahaa mas’uuliyiin hadalkooda afka baarkiisa dhaafaynin oo jig jig meeshaada jog ah.