{WARSANRADIO} Xildhibaanka ayaa sheegay in Baarlamaanka Koofur Galbeed uu wali ku maqanyahay fasax hoowlihii Baarlamaankana ay u socdaan si fiican oo ay wadaan gudiyada Baarlamaanka inta xubnaha Baarlamaanka ay dhammaan dib ugu soo noqonayaan Baydhabo.
Waxaa kaloo uu xusay Xildhibaanka in aysan jirin dhibaato buuran oo ka dhex jirta Xubnaha Baarlamaanka dhexdooda eek u aadan xirnaashaha Kolfadhiga Baarlamaanka oo u dhexeeya mudanayaasha Baarlamaanka iyo Gudoonka saree e Baarlamaanka, wararka la isla dhexmarayana ay yihiin kutiri kuteen lagu fool xumaynayo Dowlad Goboleedka iyo Mas’uuliyiintiisa ayna ka danbeeyaan kuwo uu ku sheegay Maamuldiid.
Xildhibaan Bashiir ayaa mar uu soo hadalqaaday falalkii dilka ahaa ee todobaadkan ka dhacay Baydhabo, waxaa sheegay in ahaayeen dhacdooyin dabeeci ah oo Bulshada ka dhex dhici kara meel kasta ay joogto, Maamulka Koofur Galbeed kaliya ahayn mid u gaar ah, kuwaasna ay laamaha amniga wax qabteen oo aysan ka aamusin oo ay soo qabteen raggii ka danbeeyay dilalkaas oo ay ku jiraan xabsiga, maamulkan uu ku qaadi doono sharciga si loo mariyo waajibaadkooda uu sharciga ku xukumo.
Ugu danbayntii Xildhibaan Bashiir waxaa sheegay in sugidda Amniga uu maamulkiisa siiyay ahmiyad balaaran oo ay Baydhabo gudaheeda ka sameeyeen 27 rug booliiska uu kala shaqeeyo Bulshada si ay u sugaan amniga iyo kala danbaynta, oo dhamaantood ku dhexyaala Xaafadaha Magaalada Baydhabo. Sidoo kale ay ku soo gabagabeeyeen Baydhabo tababar Boolisiinta Bulshada oo la siiniyay laamaha Amniga Bulshada Xaafadaha Baydhabo, kaasoo ay iska kaashadeen Gudiga Amniga Baarlamaanka Booliska AMISOM iyo hay’adaha taageera Amniga, si loo adkeeyo Amniga iyo kala danbaynta.