Baydhabo Somaliya{WMN}-Xarunta Madaxtooyada Koonfur galbeed ayaa xaalkeeda ahaa sida muuqalka ka aragtaan oo ah in koox koox dadkii meesha joogay u taagnaayeen,bahda saxaafada ayaa qeybna ka ahaa kuwa dhowrayay waxaa soo bixi karo saacadaha markaas soo aadanaa.
Shakhsiyaadka madaxtooyada lagu arkayay waxaa ay u badnaayeen sxbadii u dhowaa shariif xasan Sheekh aadan oo wasiiro iyo Xildhibaano isugu jirey,hordhaca waxaa ay ku sheegayaan wixii iney dhacaan wax iyaga farxad gelineynin.
Saacado kadib waxaa gudaha Xafiiska laga sugayay shariif xasan Sheekh aadan lagu arkey isagoo soo galo wasiirka arimaha gudaha fadaraalka xukuumada,Gudoomiyaha barlamaanka Koonfur galbeed,daqiiqado kadib shariif xasan oo dhinacyada laga socdey ayaa goobta soo galey isagoo shacuur ka muuqatay.
Howlka xafiiska la isugu tagey ma jirin laba qof oo wax is weydiineysey ama dhoola cadeyneysey,xaalka ahaa amakaak iyo dad wada naxsanaa.
Wasiirka Warfaafinta Koonfur galbeed Xasan Cabdi Maxamed ayaa ku dhawaqey inuu xilkii Madxaweynmo iska caziley shariif xasan Shekh aadan.
Madaxweynihii Koonfur galbeed ee xilka ka dagey ayaa si cad u sheegey in Cadiis darteet go,aankan u qaatay,wuxuu u rajiyey in deganaan ku dhamato xaalka koonfur galbeed,wuxuuna sheegey in xilkii si KMG ah ugu wareejiyey Gudoomiyaha Barlamaanka.
Sida caadada aheyd kulamada marka hadala la jeedinayo waxaa lagu arki jirey sacab iyo jawi farxadeeda halkan waxaas oo dhan kama muuqan.
Wasiirka arimaha guddaha Fadaraalka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ku kaftamay in Shariif xasan hadii xilkan uu baneeyey meelo kale cariirsan doono oo sidaa ku hareynin,isagona soo dhaweyey iscailadiisa.
Madaxweynaha KMG ah Koonfur galbeed ahana Gudoomiyaha Barlamaanka Cqadir sjariif Sheekhuna ayaa sheegey in deganaan ah howsha ku wadi doono ilaa doorashada ka qabsoomeyso.
Afhayeenki Golaha iskaashiga Dowlad Gobaleedyada Claahi Sheekh Xasan ayaa sheegey inuu isna xilka iska caziley mar hadii xisbigii uu ka tirsanaa mesha ka baxay.
Cododka manta oo dhan hoos ka dhageyso