Baydhabo Somaliya{WMN}-Faah faahin ayaa ka soo baxaya howlgalo xubin ka tirsanaa Ajaaniibta Al-Shabaab oo lagu dilay degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe, halka kuwo kalena la qabtay.
Sida ay sheegayaan dadka deegaanka Al-Shabaab ayaa degmooyinka Saakow, Jilib iyo deegaano kale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose ka bilaabay howlgallo ka dhan ah xubno lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Kooxda Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in xubno Shabaab ka tirsan ay masaajid ku yaalla degmada Jilib ku weerareen Sarkaal Ajnabi ah, oo lagu magacaabayay Abuu Anas Al-Misri, kaasoo u dhashay dalka Masar.
Ninkan ayaa lagu amray inuu is dhiibo, balse waxaa uu la soo baxay bambo gacmeed, balse markii dambe waa la toogtay.
Sida ay baahisay Warbaahinta VOA Al-Shabaab ayaa xir xiray illaa 100 qof oo isugu jira xubno ka tirsan iyo Ganacsi lagu tuhmay inay doonayaan ku biiritaanka Kooxda Daacish.
Xubnaha la xiray ayaa la sheegay inuu ka mid yahay Macallin Daauud oo la sheegay inuu horey u ahaan jiray madaxa dacwada ee Gobolka Gedo, waxaa kaloo ka mid ah mid ka mid ah weriyayaasha u shaqeeya ururka Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa ilaa shalay xubno kale ka qabqabteen Saakow, Buula Fuulaay iyo Kuunya Barrow.
Ururka Daacish ee Soomaaliya ayaa xubnaha ka tirsan ay ka go’een Al-Shabaab sannadkii 2015-ka, waxaana ururka Al-Shabaab ay dileen xubnaha lagu tuhunsanaa inay ka tirsan Daacish.