Gudiga qabanqaabada doorashada Koofur galbeed ayaa bilaabay bixinta shahaadooyinka musharixiinta u taagan tartanka madaxweynaha Koofur galbeed oo lagu wado in ay qabsoonto 5 ta December ee sanadkan.
Musharixiinta shahaadooyinka qaatay waxaa ka mid Mukhtaar Rooboow Cali abuu mansoor, oo horay qaatay shahaadada, balse ay gudiga qabanqaabada doorashada ay u cusboonaysiiyeen si loo waafajiyo saxiixa gudooonka gudigan cusub maadaama shahaadadiisii hore uu ku saxiixnaa gudoomiyihii hore ee gudiga doorashooyinka ee is casilay.
Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka iyo musharax Mukhtaar Rooboow ayaa si wadajir ah waxaa ay ula hadleen warbaahinta. Qaadashada shahaadada musharax madaxweyne Mukhtaar Rooboow ayaa meesha ka saaraysa hadaladii ay warbaahinta isla dhex maraysay ee ahaa in laga reebayo tartanka madaxtinimada koofur galbeed, inkastoo dowladda federaalka aysan raali ka ahayn in uu tartamo ayay haddana gudiga dhaqangaliyeen ku socoshada habraacii gudigii is casilay oo baarlamaanka KG cod aqlibiyad ah ku ansixiyeen, waxaana la filayaa gudiga qabanqaabada doorashooyinka ilaa beri wadi doonaan bixinta shahaadooyinka musharixiinta wixii intaa ka danbeeyana la guda gali doono soo jeedinta khudbooyinka musharixiinta iyo qabashada doorashada 5ta December.