Baydhabo Somaliya{WMN}-Amaanka ayaa manta ka duwnaa sidii shalay waxaa afaafka hore ee madaxtooyada la soo dhigey Taangiyo ay wataan ciidamada Amison, dadka waa la celinaayey, xildhibaanada liis ayey ku galayeen qof aan magaciisa liiska ku jirin magaleynin, aniga iyo toboneeyo kale ee wariyaal ah ayaa banaanka nagugu celiyey waxaana taagneyn mudo Saacad iyo Bar ah.
Amb Eng Sayid Axmed Sheekh Daahir iyo C/casiis lafta gareen oo hadaljeedinta ku qornaa manta ayaa hortagey Xildhibaanada iyagoo u sharxaya qorsho siyaasadoodkooda hogaaminta Dowlad Goboleedka KG.
Bari kaliya ayey Xildhibaanada nasandoonaan Arbacadana doorashadii KG ayaa dhici doonta, waxaa tartami doona Shan musharax, waxaana ka maqan hal musharax oo kursigiisa banaanyahay una xiran Dolwada Dhaxe ee Soomaaliya, mana jirto qof soo hadal qaadey magaciisa Muasharaxiintii hadashay, gudoonka Baarlamaanka iyo Xldhbaanada