Baydhabo Somaliya{WMN}- Haweenka ee ku dhaqan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa Maanta kulan balaaran oo ay ay ku yeesheen degmada ayaa waxay hambalyo baalaran ay u direen Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta-gareen.
Qureesho Aden Cumar oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka degmada Baardheere ayaa lafta-gareen Alle uga baridey in uu xilkan culus la garabgalo,isla markaana shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqday inay ka shaqeyaan horumarka Koonfur Galbeed.
Waxaan u hambalyeynaynaa Madaxweynaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Abdiaziz Hassan Mohamed (Laftigareen), waxaana EEBBE uga baryayeynaa inuu xilkan culus la garabgalo. Shacabka K/Galbeed waa inay midnimadooda ka shaqeeyaan oo horumarka KG laga wada shaqeeyaan,iyadoo shacabka K/Galbeedna ugu baaqdey in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha Cusub.
Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta-gareen oo ku soo baxay Doorashadii shaley ka dhacday Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa helay Codad gaaraya ilaa iyo 101 Cod.