Baydhabo Somaliya{WMN}-Kullan ay goob joog ay ka haayeen Mas’uulyiin kala duwan oo ugu horeeyo Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur galbeed soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Xildhibaano ka wada tirsan Baarlamanka Fedaralka Soomaaliya Iyo Baarlamanka Koonfur Galbeed.
Kullanka aya ujeedkiisa ahaa mid Si rasmi ah Xilka Madaxweyne Loogu warejinayay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/ Casiis Xasan Mohamed Lafta gareen 19- Bishan Loo Doortey .
Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye Oo ah Gudomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed soomaaliya oo ahaa sii haayaha Xilka Madaxweynaha ayaa sheegey in maanta Si rasmi ah Xilka ugu wareejiyay Madaxaweynaha Kgs .
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Mohamed Lafta gareen ayaa ka Hadley Qorshaha wax qabadka maamulkiisa uu la imaan doono ‘isagoona Madaxweynaha uu si cad u sheegey in maamulkiisa Muhiimadda 1-aad uu siin doono Amniga Guud Ee Deeganada Koonfur galbeed Soomaaliya.