Somaliya{WMN}-Koox Bastoolado ku hubeysan ayaa ku diley magaalooyinka Afgooye iyo Boosaaso askar iyo haweeney rayid ah kadibna baxsaday.
Goobjoogayaal ayaa saxaafada u sheegay in saddex askari oo canshuur ka aruurinayay Suuqa magaalada Afgooye gaadmo lagu diley, waxaana rasaasta askartaasi lagu dilay sidoo kale ku dhimatay haweeney xaamilo aheyd.
Kooxda dilka geysatay ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan booliiska oo halkaasi baaritaano ka sameeyay.
Dhinaca kale wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in rag ku hubeysan bastoolado ay ku dileen bartamaha magaaladaas labo askari halka askari kalana uu ku dhaawacmay weerarkan.
Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland oo gaaray halka uu dilka ka dhacay ayaa goobta ka sameeyay howlgal ay ku baadi gobayeen raggii dilka ka dambeyay,mana jirto cid ay ciidamada u soo qabteen dilka askarta.