Somaliya{WMN}- Iyadoo shalay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019, ayaa waxaa soo baxaya muran iyo dood u dhaxeeya Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo ka mid ahaa meel marinta Miisaaniyadda in Aqalka Sare qeyb ka noqdo.
Aqalka Sare ayaa maanta kulan ku leh Xaruntooda, waxaana qorshahooda yahay inay meel mariyaan Miisaaniyadda 2019, inkastoo aanay weli u soo gudbin Golaha Shacabka, waxaana arrintaas ka dhashay muran.
Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in Xukuumadda ay diidan tahay in Hindisaha miisaaniyadda loo gudbiyo Aqalka Sare, waxaana dooda ku saabsan miisaaniyadda ay soo jiitameysay tan iyo sanadkii hore, maadaama Aqalka Sare uu doonayo inuu wax ka meel mariyo.
Ilo ku dhow Aqalka Sare ayaa sheegaya in sanadkii hore Madaxweynaha kala hadleen Miisaaniyadda uu meel mariyo Aqalka Sare, iyagoo dacwad ka ahaa Golaha Shacabka inuu la garab maray Miisaaniyadda.
Aqalka Sare ayaa ugu dambeyn ansixiya sharciyada uu soo meel mariyo Golaha Shacabka, waxaana uu horay u meel mariyay dhowr hindise sharciyeed.
Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sanadkii hore suβaal ka keenay in Aqalka Sare uu kororsado awoodo aanu ku laheyn dastuurka, isagoo dood sharciyeed geliyay qodobka Aqalka Sare.
Sanadkii hore ayay aheyd markii aqalka Sare ay meel mariyeen qodob ah inay qeyb ka noqdaan Ansixinta Miisaaniyadda dowladda oo aanay ka mid aheyn.