Waxaa maanta ka dhacay qaybo badan oo ka mida degaanka Koonfur Gableeed taageero lagu taageerayo Β Ergayga Gaarka ah ahna Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Heyson. Kulan ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa hogaanka dhaqanka ee Digil iyo Mriifle waxa ay ku ku taageerayn Nicholas Heysom.
Tageerada ka timid dadka ku dhaqan Koonfur Galbeed ayaa ay ku soo dhaweeyeen qoraalka uu dhawaan ka soo saaray xasuuqii ka dhacay magalaada Baydhabo. Waxaa lagu arkayay goobta shirka ka dhacay sawirka Muqtaar Roobow oo shacabka kor u hayaan iyo erayo ay ku taageerayaan Mudane Nicholas Heyso. Shacabka ayaa fartiin u diray Farmaajo kaas oo ahaa βadeerkaa ayaa xoog nagu qabsan waayay adiga waad ku fashilmeysaa dagaalka aad kula jirto dadka iyo dhulka reer Koonfur Galbeedβ
Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa lagu amray in uu joojiyo shirka waxaana amarkaas ka yimid RW Xassan Cali Kheyre lakiin odoyaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed ayaa u sheegay Lafta Gareen in hadii uu isku dayo in uu joojiyo kulamada dadka reer Koonfur Galbeed in isaga guriga loogu soo galaayo oo gacmaha la isugu tagaayo.