Wafuud kala gedisan oo ka socotay Dowladda FS iyo maamul Goboleedyada Dalka ayaa soo gaaray Baydhabo kuwaasoo ka qayb galaya caleema saarka madaxweynaha KGs Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Wafuuda ilaa iyo iminka soo gaartay Baydhabo waxaa ka mid ah gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdirixiin Maxamed Axmed iyo madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Karaash, mashabeelle Waare madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cadi Xaashi Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal Baarlamaanka iyo Senatetka.
Xafladda caleema saarka oo manta dhacaysa darted waxaa gudaha iyo daafaha magaalada la soo dhoobay ciidamo fara badan oo isugu jira Militari,Boolis iyo daraawiish, waxay taaganyihiin dhammaan dariiqyada soo gala magaalada iyo xaafadaha dhexdooda.
Gudaha madaxtooyada waxaa ku sugan ciidamo dowladda dhexe ka socda oo labadii maalmood ee la soo dhaafay laga daabulayay magaalada Muqdisho, kuwaasoo loogu talo galay in ay sugaan amaanka madaxda ka socota Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, iyadoona saacadaha soo socda la filayo in uu soo gaaro Baydhabo madaxweynaha DFS Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.