Baydhabo Somaliya{WMN}- Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa sheegay in bartamaha bisha 3-aad ee sanadkan 2019 ay shir isugu imanayaan Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada, kaasoo loogu gogol xaarayo shirar xal loogu raadinayo khilaafka u dhexeeya Federalka iyo maamul goboleedyada.
Shirkan waxaa soo jeediyay qabsoomidiisa Madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), kaasoo Siciid Deni u gudbiyay codsi la xiriirta in maamulkiisa uu marti geliyo shirkan.
Saciid C/llaahi Deni OO Duhurnimadii maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa sheegay in maamulkiisa aqbalay diyaarinta gogoshaas ay isugu imanayaan Madaxda Dowladda Dhexe iyo kuwo maamul goboleedyada.
“Anigoo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka Puntland waxaan aqbalay in gogol nabadeed oo loogu gogol xaarayo in Somalia midnimadeeda iyo wadajirkeeda looga shaqeeyo lagu qabto magaaladda Garowe, waxaana ku faraxsanahay in Puntland siday horeyba u ahayd inay ka shaqeyso midnimda iyo dowladnimada Somalia in kaalintaas si firfircoon u qaadato” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Waxa uu sheegay in shirkan looga hadli doono sidii xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaashaha Shakhsiyadeed ee u dhexeeya Madaxda kulmeysa, taasoo saameysay Shaqooyinkii loo qaban lahaa Shacabka Soomaaliyeed.
Hadalka Madaxweyne Deni ayaa yimid iyadoo maanta Garoowe lagu soo gabagabeeyay shir labadii maalin ee la soo dhaafay u socday; Madaxweyne Farmaajo, Madaxda maamul Goboleedyada, Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynayaashii u danbeeyay dalkan soo hogaamisa.
Shirkaas oo Madaxtooyada Puntland ka socday, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaarihii dowladdii KMG-ka eheyd Cali Maxamed Geedi iyo labadii Madaxweyne ee ka horeysay Siciid Deni ee Gaas iyo Faroole.
Si kastaba, Shirka bisha Maarso dhacaya ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu ka qeybgalo Madaxweyne Deni kadib Caleema saarkiisa kaasoo ay isugu yimaadaan Madaxda Gobolada iyo kuwa Federalka, marka laga reebo kulamadii Qadada u badnaa ee shalay iyo maanta ka dhacay Garoowe.
Golihii Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo ay haatan ka hareen Axmed Madoobe iyo Axmed Ducaale Geelle, ayaa hore dhowr jeer isaga diiday baaqyo ay u direen Madaxweyne Farmaajo iyo Wasaarada Arrimaha gudaha dalka, kuwaasoo la xiriiray iney Muqdihso u yimaadaan shir lagu xalinayo khilaafka Siyaasadeed ee u dhexeeyay labada dhinac