Inta la xaqiijiyey Hal Askari Ayaa Ku Dhintey Ka dib iska Hor imaad Dhexmarey Ciidan Ka Tirsan Maamulka kgs oo Ku Sugnaa Bar Kontorool oo Dhanka Galbeed Laga Soo Galo Magaalada Baydhabo .
Isku Dhacan Ciidanka Ayaa Waxaa uu Ka Dambeeyey Ka dib Laba Askari goobta Ku sugnaa oo Muran Ku Aadan Gaari Rakaab oo Xiligaasi Ku sugnaa Goobta Rabeyna inuu Gudaha u soo Galo Magaalada Ay Ku Murmeen .
Rasaas Ay isku Fureen Labada Askari Ayaa Sababtey in Mid Ku Geeriyoodo Halka Askarigii Kale ee Dilka Geystey Gacanta Ay Ku Dhigeen Ciidankii Kale ee Goobta Ku Sugnaa .
Waqtiyada Habeenkii Ayaan La ogoleyn in Gudaha Ay Soo Galaan Gaadiidka Rakaabka ee Safarka Ka imaada iyadoo Taasi Loo Sababeyey Xaalado Amaan .
Dhanka Kale Warar Aan Ka Heleyno Xaafada Howl Wadaag Gaar Ahaana Meesha Loo Yaqaano Barxada in uu Ka Dhacey Qarax Loo Adeeg Sadey Bam Gacameed Lagu Weerarey Dhalinyaro Ku Caweynaayey Xaafadaasi .
Wararka Ayaa intaasi Ku Dareya in Khasaaro DHimasho iyo Dhaawac soo Gaaro Dad Shacab Ah oo Goobta Ka Dhawaa Walow Aan La Xaqiijin Karin Tirada Dadka Dhibka Soo Gaarey .
Ciidanka Amaanka Ayaa Wixii intaasi Ka Dambeyey Gaarey Goobta Iyagoo Baaritaano Lagu Xaqiijinayo Amaanka Goobta Ka sameeyey .
Wixii Ku Soo Kordha Bam Gacameedkas Waan idinla Wadaagi Doona insha’allah .