Baydhabo Somaliya{WMN}-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kulan albaabada u xiran yihiin kula yeeshay magaalada Kismaayo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kulankan uu ahaa mid labada dhinac ay uga hadleen sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhexeeya Dowlada Federalka iyo Maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Kheyre tabashooyin ay ka qabto dowlada Federalka, waxana uu sheegay ra’iisul Wasaare Kheyre in la xalin doono dhammaan tabashooyinka Maamulka Jubbaland.
Booqashada Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo sida loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ayaa dhalisay shaki ah in Kheyre uu bilaabay olole uu ku doonayo in uu uga qeybgalo doorashada madaxtinimada dalka ee la rajeynayo in ay ka dhacdo dalka Soomaaliya.