Baydhabo Somaliya{WMN}- Waxaa weli kacsan Xaaladda Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha eek u taalla Isgoyska Jubba ee dhinaca degmada Shangaani,halkaasi oo lagu qaaday weerar ku bilowday qaraxyo iyo mid toos ah .
Weerarka ku bilowday qaraxyada ayaa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,waxaana markii dambe gudaha u galay Xarunta rag hubeysan oo ka dhex dagaalamaya,iyadoona jug xoogan halkaas ay ka dhaceyso.
Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in markii qaraxyada ay dhacayeen Xarunta ay ku jireen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa laga maqlayaa rasaasta xoogan ay isweedaarsanayaan ragga hubeysan ee weerarka soo qaaday iyo Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya.
Goobta sidoo kale waxaa ku sugan gaadiida gurmadka deg deg ah oo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaasi u qaadaya Isbitaalada ku yaalla Muqdisho.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegayaan in uu ka dhashay weerarkaas ka socda Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee dowladda Soomaaliya.