Baydhabo Soomaaliya {WMN}-Shaacinta Xildhibaankan ka tirsan BFS, ee degaan doorashadiisu tahay KGS, ayaa sheegay in sababta uu isugu sharxay u tartamida doorashada madaxweynaha Jubbaland in ay tahay muujinta Jubbaland in ay tahay maamul goboleed goboladiisa ay ku noolyihiin bulsho badan oo ku abtirsata Koonfur Galbeed, isla markaana ay ku yihiin dadyoow aqlibiyad ku leh Baarlamaanka maamulka Jubbaland.
Ku dhawaaqista Xildhibaan Idiris Musharaxnimadiisa u tartamida doorashada madaxweynaha Maamulka Jubbaland, ayaa ah mid bixinaysa sawiro badan oo laga dareemi karo astanta calanka KGS, xidigaha lixda, oo marka la macneeysto sawir buuxa ka bixinnaya in bulshada KGS, wali aaminsanyihiin in Jubbaland ay tahay gobolo ka mid ah maamul goboleedka Koonfur Galbeed.
1 comment
Dear brother Idris, nabad from North America.
Farmajo and Roble are commiting war of crime agaanist the somalia people.
good luck,
Prof. Aweis issa
17785226580