Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in xildhibaanada Golaha Shacabka ay dadaal badan ku bixin doonaan sidii loo diyaari lahaa Shuruucda doorashooyinka 2021-ka.
Gudoomiye Mursal ayaa tilmaamay in Kalfadhiggaan Golaha Shacabka uu yahay Mid muhiim ah , islamarkaana shaqooyinka ay dardargalin doonaan.
βKal fadhigaan maanta inoo furmayaa oo ah kalfadhiga 5aad ee Golaha shacabka ayaa ah kalfdhi aad muhiim u ah marka loo fiiriyo shaqada hortaala Golaha Shacabka. Shaqooyinka horyaala waa kuwa masiiri ah oo hagayaa yoolka qaranka oo ah gaarsiinta dalka doorashooyin xor ah oo ku dhisan hal qof iyo hal cod sanadka 2020-2021β ayuu yiri Gudoomiye Mursal
βShuruucda iyo habraacyada hortabinta leh ee loo baahanayahay in lagu gaaro yoolka waxaa ka mid ah Sharciga Doorashadda 2021 dib β u- eegista Dastuurka iyo shuruucda kale oo aasaaska u ah Doorashadda 2021, Sida Sharciga Jinsiyadda iyo dib-u-eegista Sharciga Axsaabta badanβ ayuu yiri Markale Gudoomiye Mursal.