Baydhabo Somaliya{WMN}-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) ayaa mar kale ku celiyay in aysan waxba iska bedelin mowqifkiisii ahaa in la isaga guuro xerada Mariino ee ciidanka Badda Soomaaliya oo ku taala degmada Kaaraan.
Ujeedka ay ka leeyihiin goobaha ay amreen in laga guuro ayuu ku sheegay inay tahay mid ay ku doonayaan in goobahan ay nooqnayaan goob ay degaan safaaradaha oo ah meelo Diblomaasiyadeed, wuxuuna xeradan ku sheegay iney tahay meel dowladeed.
βCida maanta ku doodeysa inay dukuminti ku heysato xerada mariino waa nasiib daro, markoodii horeba iney dukuminti qaataan oo loo sameeyo ma eheynβ ayuu yiri Guddoomiye Yariisoow oo wareysi siiyay Telefishinka Somali Cable.
Waxaa uu dhinaca kale duray dadka degan xerada Mariino oo uu ku jiro Senator Muuse Suudi Yalaxoow, wuxuuna tilmaamay in aysan jiri karin cid maleeshiyaad keensan karta goobaha la amray in la isaga boxo, isagoo Af cad ku sheegay inay ka goβantahay in la banneeyo xeradan.
βWadankaan wuxuu gaaraa mar lala xisaabtamo qof kasta oo dambi ka gala, nin kasta oo hoggaamiye Kooexeed ahaa nin kasta oo dad dilay, Nin kasta oo hanti boobay, mar aan fogeyn maxkamadna waa la soo saaraa ummadana wey la xisaabtameeβ ayuu yiri Eng. Yariisoow.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bishii hore soo saaray amar ku saabsan in laga guuro Xero Mariino oo ay laheyd Ciidamad Badda, waxaana dhulkaas dhistay Saraakiil ciidan, Masβuuliyiin iyo Xildhibaano, iyadoo wali amarkaas uusan dhaqan gelin, waxaana degmada Kaaraan qeybo kamid ah ka taagan xiisad arintan salka ku heyso oo laga cabsi qabo iney gacan ka hadal isu bedesho.