xmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka hadlay dilkii loogu geystey Magaalada Gaalkacyo 13 ruux oo kasoo jeeday degaanada maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.
Madaxweyanaha ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay dad lagu tuhmaayo dilka dadkaasi in ay ka dambeeyeen.
“Dadka ka dambeeyay dilka waxa ay ahaayeen dad weyraxsan kadib markii maqribnimadii la diley sarkaal.”ayuu u sheegay Xaaf laanta afka soomaaliga ah ee BBCda.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Shacabka ee Koonfur Galbeed in ay isdejiyaan, islamarkaana dadkaasi dhibaatadda geystay Sharciga la marsiin doono.
Illaa 13 ruux oo ka soo kala jeeda deegaanad Koofurgalbeed iyo Hirshabelle ayaa lagu diley xalay magaalada Gaalkacyo iyagoo dadkaasi la sheegay inay ahaayeen dad xoogsato ah oo laga soo saaray guryo ay ka degenaayeen magaalada Gaalkacyo.