Caawa oo ah Habeenkii 3 aad ee Tartan Aqooneedka Bisha Barakeysan ee Ramadaan Waxaa is arki Xaafadaha Kala Ah Howl wadaag B iyo Horseed A. tartankan oo sanad walba Bishan oo kale la qabto waxaa ku tartamaya 10 Xaafadood ee Baydhabo ay ka kooban tahay waxaana Sanadkan Tartanka Maal galineya Ururka Garab walaal oo kaashaneya idaacada warsan. Caawa tartanka wuxu u dhaxeeyey Xaafadaha kala ah Holwadaag B iyo Horseed A ,Su aalaha oo ka kooban 14 su ‘aal isla mar ahaantaasna diyaarntooda lahaa schoolka Kabaadir waxaa caawa natiijada ay ku dhamaatey Horseed A 18 dhibcood iyo Holwadaag 8 .waxeyna goosha raacdey Xaafaada Horseed .Habeen dambe waxaa is arki doona Xaafadaha kala ah Wadajir A iyo Waabari B. Barnaamijka waxaa daadihintiisa lahaa Wariyaasha kala ah Muxidiin xusni iyo C/lahi jeceelow.