Guddiga wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho.
Kulankaas oo ahaa midkii ugu dambeeyay ayaa waxaa shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Guddi-wadajirka ah Xil. Ibraahim Isaaq Yarow, isla markaana waxaa kasoo qeyb galay dhamaanka xubnaha Guddigaas.
Sidoo kale Guddiga ayaa warbixintooda ku saabsan Afarta Xeer ee loo xilsaaray waxaa ay u gudbin doonaan Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyagoo Maanta soo Gaba-gabeeyay shaqadii loo xil saaray.
Guddigaan ayaa horey u tegay Maamul Goboleedyada sida Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, iyagoona lasoo sameeyay talashiyo ku aadan Doorashada, In kastoo Puntland ay sheegtay in ay kasoo horjeedo qorshaha doorashooyinka.