Doodan oo looga hadlayay adeega kala duwan ee bulshada u heyso xarunta xalinta khilaafaadka ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed gaar ahaan mida Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qeyb galey Gudoomiyaha Odoyaasha dhaqanka ee degmada Baydhabo ee xarunta xalinta khilaafaadka iyo Mid ka mid ah haweenka xarunta ka shaqeysa.
Dhagaystayaasha Idaacada Warsan ayaa barnaamijka dhanka Khadka taleefonka kaga qeyb galay,waxaana inta badan ay codsanayeen in howsha xarunta heyso ay muhiim tahay cadaaladana ka shaqeyso.