Doowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in maraakiib wadata calanka dalka Iran ay si sharci darro ah uga kalluumeystaan biyaha Soomaaliya.
Warqad ka soo baxay wasaaradda kalluumeysiga xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mudadii u dhaxeysay Janaayo 2019-14-04-2020 la ogaaday in 112 oo maraakiib ah ay si sharci darro ah uga kalluumeysteen badda Soomaaliya.
Qoraalkan kasoo baxay wasaaradda kalluumeesiga Soomaaliya ayaa lagu xusay magaca halkaas dal ee Iran inay ku socdeen maraakiibtaas sida sharci darrada ah uga kalluumeystay biyaha Soomaaliya.
Xeebaha Soomaaliya waxaa jooga maraakiib dagaal oo ay leeyihiin qaar ka mid ah wadamada waaweyn ee caalamka, kuwaas oo u jooga inay la dagaalamaan burcad badeeda Soomaalida iyo kallumeysiga sharci darrada ah ee ka socda biyaha Soomaaliya.
Inkastoo ay wiiqeen awoodii burcad badeeda Soomaalida, hadana ciidamadaas waxay ku guul dareysteen inay ka hor tagaan maraakiibta iyo doomaha sida sharci darrada ah ugu kalluumeysta xeebaha ay ilaalada ka hayaan ee Soomaaliya.