War goordhaweyd kusoo dhacay Warqabadkeena ayaa sheegaya in dagaal uu hadda ka socdo Magaalada Dhuuso mareeb Ee Caasimada Galmudug.
Ciidamada Haramacad ee Booliiska gaarka ah iyo Kuwa nabadsugida soomaaliya ayaa ku daaalamya Guddaha Magaalada dhuusamareeb , mudo 15 daqiiqo ah ayaa la maqlayaa dhawaqa nuucyada kala duwan ee rasaasta waxaa lasoo warinayaa in isku dhacu daba joogo muran maalmahaanba ka dhex jiray talisyada labada ciidan .
Xabada ayaa ka bilaatey aaga xerada nabadsugida iyadoo ku fiday xaafadaha qaar ee magaalada , labada dhinacba waxaa lasoo warinayaa dhimasho iyo dhaawac iyadoo wali xaaladu tahay mid kacsan.
FAAH FAAHIN DIB KALA SOCDA INSHA ALLAAH