War saxaafadeed ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu soo dhaweeyey shirka maamul goboleedyada dalka Soomaaliya ku yeelanayaan 9-ka bishan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.
Madasha Xisbiyada Qaran waxay walaac ka muujisay baaqashada shirkii Golaha Amniga Qaranka ee Muqdisho ka dhici lahaa 5-ta ilaa 8-da bisha, kaasoo Madaxtooyada Soomaaliya horey u shaacisay, una baaqday khilaaf soo kala dhex galay dowlad goboleedyada iyo Hoggaanka dowladda Federaalka.
Madasha ayaa walaac ka muujiyay in ka maqnaashaha hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee shirka Dhuuusamareeb uu yahay ifafaalo aan wanaagsaneyn.
βKa maqnaashaha hoggaanka dalka ee shirka ka dhacaya Dhuusamareeb waxaa ay muujineysaa
ifafaallo aan wanaagsaneyn, Madasha XQ waxay kula dar-daarmeysaa madaxda Dowladda
Federaalka Soomaaliya in ay u istaagaan gudashada waajibaadka ka saaran howlaha Dastuuriga ah ee suurtogelin kara doorashooyin xor iyo xallaal ah, isla markaasna si nabad ah ku dhacaβ. ayaa lagu yiri War murtiyeedka Madasha Xisbiyada Qaran.
Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeed.
