Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka hadlay geeridii ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa tacsi u diray ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay Ra’iisul Wasarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax oo maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsayay Turkiga.
Sidoo kale Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareenayaa waxaa uu sheegay in Marxuum Xasan Abshir uu kaalin muhiim ah ka qaatay dib-u-dhiska dalkeena, wuxuuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo ku hadlaya magaciisa, kan dowladda iyo Shacabka Koonfur Galbeed ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariiste Marxuum Xasan Abshir faarax oo ahaa Ra”iisal wasarihii Hore Soomaaliya ee Dowladii kumeel gaarka ahayd oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.
“Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii uu ka baxay Marxuum Xasan Abshir Faarax Ra’iisul Wasarihii hore ee Soomaaliya. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, nagana siiyo samir iyo imaan” ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen