Waxaa Goordhow Isbitaal ku yaalla Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku geeriyooday Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax.
Marxuumka Xasan Abshir ayaa waxaa la sheegay in mudooyinkii dambe uu ku xanuunsanayay Isbitaalka ku taalla Turkiga, hayeeshee xanuunkii haayay uu daqiiqado kahor ugu geeriyooday halkaas.
Geerida Marxuum Xasan Abshir ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah eheladiisa iyo Mas’uuliyiin kale oo ku sugan Turkiga, iyagoo tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo Umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumka.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ayaa waxaa uu kamid ahaa ahaa asaasayaashii dowlad Goboleedka Puntland, wuxuuna sidaas oo kale ka mid noqday golihii wasiiradda ee u horeeyey ee uu dhisay Madaxweynihii xiligaas ee Puntland Cabdullaahi Yuusuf.
Taariikh nololeedkiisa oo kooban
Marxuum Xasan Abshir Faarax wuxuu ahaa rugcadaa siyaasadeed oo kaalin mug leh kasoo qaatay dhismaha iyo taabbo-gelinta dowlanimada Soomaaliya.
Xasan Abshir ayaa 1945-kii ku dhashay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, noloshiisii hore badi wuxuu ku qaatay Muqdisho, halkaas oo uga dambeyn uga baxay waxbarashadiisa Dugsiga Sare 1965-kii.
Xasan waxa uu dhameystay waxbarashadiisa kale ilaa midda jaamacadda intii u dhaxeysay 1965-1986.
69-1969 wuxuu ahaa Askari ka tirsan ciidamada Soomaaliya
1973-1982 wuxuu ahaa Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir.
1982-1987 wuxuu ahaa Duqa Muqdisho
1988-1989 wuxuu ahaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe.
1989-1990 wuxuu ahaa Guddoomiyaha Gobolka Bakool
1990-1991 wuxuu ahaa Safiirka Soomaaliya ee Japan
1991 wuxuu ahaa Safiirka Soomaaliya ee Germany
1999-2000 wuxuu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland.
2001-2003 wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaare Soomaaliya
2004-2006 wuxuu ahaa Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga Soomaaliya.
2001- 2015 wuxuu ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.