Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo wejiga 2aad ee shirka, kaasoo ay ku madlan yihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa haataan ku sugan Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.
Ajandaha shirka ayaa ah in la iska wareysto xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka, si dhinacyada ay mowqif mideysan uga qaataan nooca doorasho, ee ay tahay in dalka ka dhacdo.
Waxaa aad u yar rajada laga qabo in shirka uu ka qaybgalo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), inkastoo ay Villa Somalia dadaal ugu jirto, sidii uu shirka uga soo qaybgeli lahaa.
Shirkan ayaa noqon doono mid aad loogu kala feker duwan yahay, maadaama Madaxweyne Farmaajo uu dadaal ugu jiro, sidii ay doorashada dalka u noqon laheyd mid qof iyo cod ah, halka Madaxda Dowlad Goboleedyada ay iyaguna u ololeynayan in doorashadu noqoto mid dad-ban.
July 2020
-
WARARKA MAANTA
Ururada Bulshada Rayidka oo beeniyay war ay faafisay Villa Somalia
by Admin July 20, 2020Ururada Bulshada Rayidka ayaa waxay beeniyeen war ka soo baxay Madaxtooyada Somaliya, oo ku aadanaa inay taageereen doorashada hal qof iyo hal cod. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia oo…
-
WARARKA MAANTA
Axmed Madoobe: Shacabka Soomaaliyeed uma baahna cid kala qaybisa
by Admin July 20, 2020Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inaanay shacabka Soomaaliyeed u baahnayn cid kala qaybisa, balse ay u baahan tahay cid ka shaqeysa horu socodkeeda. Madaxweynaha Jubbaland ayaa…
-
WARARKA MAANTA
RW Khayre oo jimicsi u tagay Garoonka Dhuusamareeb Stadium (SAWIRRO)
by Admin July 20, 2020Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gelinkii dambe ee Axadii indho-indhayn iyo jimicsiba u tagay Garoonka Kubadda Cagta ee Magaalada Dhuusamareeb. Dhuusamareeb…
-
Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa caawa faah faahisay xaaladihii ugu dambeeyay ee xanuunka COVID-19, ee dalka laga diiwaangeliyay afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay. Wasaaradda Caafimaadka ayaa Twitter-keeda ku sheegtay…
-
WARARKA MAANTA
Erdogan “Madaxweynaha Masar sharci darro ayuu gacmaha kula jiraa”
by Admin July 20, 2020Madaxeweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si kulul u cambaareeyay Masar iyo Imaaraadka Carabta oo labaduba taageeraya xoogagga ku sugan bariga Liibiya. Waxay arrintani ka dambeysay markii uu madaxweynaha Masar…
-
Baydhabo-{WMN}-Barnaamijka Kulanka Warsan waxaad Caawa kaga boganidoontaan Wareeysiyo aad xasaasi u ah, khudbadiha shirarkii maanta Madaxda Somaliya ay ku qabteen Dalka iyo dibadiisa. waxaa Caawa soo saarey soona jeedinaaya Wariye Maxamed…
-
WARARKA MAANTA
MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN LAQAATAY URURRADA BULSHADA RAYIDKA, UGUNNA WARBIXIYEY HANNAANKA GEEDI SOCODKA SIYAASADDA DALKA
by Admin July 19, 2020Muqdisho, Luuliyo 19, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa uga warbixiyey hannaanka geedi socodka siyaasadeed ee dalka, dadaallada…
-
WARARKA MAANTA
Dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo dib loo bilaabay
by Admin July 19, 2020Waxaa dib loo bilaabay dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye. Dhismaha wadadan ayaa istaagay kadib markii weeraro qaraxyo ah lala bartilmaameedsaday Ingineero ajaanib ahaa oo waday dhismaha wadadani. Dabayaaqadii sanadkii…
-
Hoos ka dhageyso Warka Fiidniimo ee Idaacada Warsan oo aqrinayo Yusuf Sheekh Aadan

