Magaalada baydhabo xarunta kumeel gaarka koonfur galbeed waxaa lagu qabtay kulan tababar loogu qabtay gabdhaha wariyaasha ah koonfur galbeed tababarkan ayaa waxaa ka qeyb galay madax kasocotey dowlad goboleedka koonfur galbeed wasiirka wasaarada warfaafinta wasiir kuxigeenta wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka agaasimayaasha xarumaha warbaahinta magaalada baydhabo kuyaalaan iyo gudoomiye kuxigeenta ururka suxifiyiinta soomaaliyeed Fesoj Muxidiin Xasan Xusni
Ururka Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SWJO) oo kaashanaaya IMS-FOJO ayaa magaalada Baydhabo waxa ay ku qabateen, dood wadaag lagu qiimeynaayay waxa ka qabsoomay baaq xaqdhowrka Gabdhaha Wariyaasha Soomaaliyeed.
kulankan ayaa daba socdaa kula ahaa Baaqa xaqdhowrka jinsiga ee loogu tala galay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed, kaasoo ay horay u saxiixeen xarumaha warbaahinta dalka.