Howlgal dad farabadan lagu qabqabtay oo laga sameeyay Muqdisho written by Warsan Radio 06/06/2022 Ciidamada kala duwan ee Booliska Soomaaliya, sida Ciidamada qeybta Galbeed, kuwa Jagboontiyada Guurguura & Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa xalay howlgallo kala duwan ka sameeyay Xaafado katirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.Ciidamada ayaa howlgalka ku baarayay Guryaha qaar ee degmada Wadajir, waxaana Saraakiisha Ciidamada qeybta Galbeed ee Booliska & Maamulka degmada Wadajir ay ujeedka howlgalka ku sheegeen mid lagu xaqiijinayay Ammaanka loogana hortagayay dadka falalka Amni darro geysta, Ciyaal weerada & dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.Howlgalka intii uu socday ayaa dadkii lagu qabqabtay waxaa goob fagaaro ah kula hadlay Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka, iyaga oo ka codsaday in Ciidamada lagala Shaqeeyo sugida Amniga Caasimadda.Guddoomiyaha Maamulka degmada Wadajir Bashiir Maxamed Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay sidii looga hortegi lahaa waxkasta oo liddi ku ah Amniga, isaga oo sheegay in Bulshada looga baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan sugida Amniga waaxyaha ay ka kooban tahay degmada.Taliye kuxigeenka qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi Mahadalle ayaa dhankiisa sheegay in howlgalladaan ay noqon doonaan kuwo si ioogta ah looga sameeyo Magaalada Muqdisho si looga hortago waxkasta oo keeni kara Amni darro ee ka dhaca Magaalada.Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada Booliska Soomaaliya waxaa qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ay ka sameeynayeen howlgallo kala duwan kadib markii ay dib u soo laabteen Ciyaal weerada iyo Burcadda dhaca u geysanaya Shacabka. Howlgal dad farabadan lagu qabqabtay oo laga sameeyay Muqdisho was last modified: June 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Dad ku dhintay Shil Gaari oo ka dhacay duleedka Magaalada Burco You may also like Maxaa looga hadlay kulan ay yeesheen Maamulka Gobolka Banaadir? 04/02/2024 Madaale oo ka qayb galay ka qeybgalay xuska sanad guurada Waaxda Gurmadka Deg-Degga 26/12/2023 Ciidanka kumandooska danab Oo Hawlgal Ka Sameeyey Degaano Ka tirsan Gobalka Shabeelaha dhexe 08/07/2021 Deni oo shaaciyay doorkii uu kulahaa Isbedelka doorasho ee ka dhacay dalka 15/06/2022 Xeer Ilaaliyaha Maraykanka oo magcaabay qareen baaris ku sameeya Joe Biden 13/01/2023 Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Xafiiskiisa ku qaabilay lataliye xamse warfaa 07/08/2023 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINRA KGS,BAYDHABO 06/07/2017 Dhageyso:-Wasaarada arimaha gudaha KGS diyaarisay sharciyada golaha deegaanka 24/11/2019 Akhriso: Liiska Guddiga doorashada Jubbaland iyo Puntland 28/01/2021 Midowga Afrika oo ku dhawaaqay in qaar kamid ah saldhigyada ATMIS lagu wareejinayo ciidanka xoogga 13/06/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.