Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka lagu guuleystay in ay dib xorriyadooda u helaan saddexdii nin ee dhallinyarada ahayd, ee Jimcihii kiiska Ikraan Tahliil Faarax loogu afduubay magaaladaasi.
Dhallinyaradan ayaa lagu sii daayay dadaalo ay sameeyeen Maamulka Gobolka Hiiraan, kan degamada, Odayaasha Dhaqanka iyo aqoonyahanada gobolkaasi.
Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa soo dhaweeyay tallaabada lagu sii daayay dhallinyaradaasi.
“Waxaan bogaadinayaa in uu miro dhalay, dadaalkii iyo howsha hagar la’aanta ahayd ee ay qabteen Odayaasha Dhaqanka, masuuliinta iyo aqoonyahanada labada beelood ee walaalaha ah, oo saaka ku guuleystay in ay xorriyadoodii u soo celiyeen seddexdii dhallinyarada ahayd ee lagu haystay Degmada Beledweyne, iyaga oo bad qaba. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa odayaasha dhaqanka, masuuliinta iyo qoyska ay ka dhalatay Ikraan Tahliil Faarax oo muujiyay dadaal dheeraad ah. Waxaan mar kale ugu baaqayaa in walaalaha wada deggan deegaanka ay ilaashadaan deris wanaagga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka wada dhaxeeyo, lana adkeeyo nabadgelyada iyo wadajirka bulshada wada degan Degmada Beledweyne.” Ayuu yiri Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir.
September 2021
-
WARARKA MAANTA
Axmed madoobe oo soo dhaweysay go’aankii Shaqada looga joojiyay Fahad Yaasiin
by Admin September 6, 2021Jubbaland ayaa soo dhoweysay go’aankii Ra’iisul Wasaaraha uu shaqada kaga joojiyay Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin iyo magacaabida Agaasimaha Kumeel gaarka ah ee Hey’adda Sareeye Guud Bashior Goobe. War saxaafadeed ka…
-
Wararka ka imaanaya dalka Guinea ayaa sheegaya in afgembi militari uu ka dhacay dalkaasi, ka dib markii ciidamo militari ah oo gadood sameeyay ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen Madaxweynihii…
-
WARARKA MAANTA
Madaxweyne Farmaajo oo Taliye Fahad Yaasiin faray inuu sii wado shaqada NISA
by Admin September 6, 2021Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka horyimid shaqo joojinta uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku sameeyay Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir,…
-
WARARKA MAANTA
Ra’iisal Wasaare Rooble oo shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha NISA
by Admin September 6, 2021Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqada ka joojiyay Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, isagoona xilkaasi si ku-meel-gaar ah ugu magacaabay Sarreeye…
-
Baydhabo-{WMN}-Barnaamijka Kulanka Warsan waxaad Caawa kaga boganidoontaan Wareeysiyo aad xasaasi u ah, khudbadiha shirarkii maanta Madaxda Somaliya ay ku qabteen Dalka iyo dibadiisa. waxaa Caawa soo saarey soona jeedinaaya Wariye Maxamed…
-
Hoos ka dhageyso Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan oo aqrinayo Maxamuud Cali C/llahi (Gaabshaa)
-
Hoos ka dhageyso Warka Duhur ee Idaacada Warsan oo aqrinayo Yusuf Sheekh Aadan (Qalinle)
-
WARARKA MAANTA
Dhageyso+Sawiro:-Su’aal weydiintii Afaraad ku saabsan Bandhigga wacyigelinta sharciga.
by Warsan Radio September 5, 2021Bandhigan ku saabsan wacyigelinta sharciga oo doodiisa sedaxaad tan ay tahay Waxaa ka qeyb galayaa Isaaaq Cali Nuur oo ka socota Ururka qareenadda Koonfur Galbeed,waxaana iska kaashanaya Wasaarada Cadaalada iyo…
-
Baydhabo-{WMN}-Barnaamijka Kulanka Warsan waxaad Caawa kaga boganidoontaan Wareeysiyo aad xasaasi u ah, khudbadiha shirarkii maanta Madaxda Somaliya ay ku qabteen Dalka iyo dibadiisa. waxaa Caawa soo saarey soona jeedinaaya Wariye Maxamed…

