Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee labadiisa kuxigeen ee Baarlamaanka 11aad ayaa la filayaa in Maanta ay Magaalada Muqdisho kuyeeshaan kulankoodii ugu horreeyay.
Guddiga oo shalay la magacaabay ayaa ka kooban 10 Xubnood, waxaana Maanta ay iska dhex dooran doonaan Guddoon, iyaga sidoo kale bilaabi doona diyaarinta & qorsheynta doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale Xubnaha Guddiga ayaa laga sugayaa inay soo saaraan Jadwalka doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, iyaga oo fursad u heysta muddo 9 Cisho gudahood ah inay ku qabtaan doorashada.
Doorashada Soomaaliya ayaa si dardar leh ku socota, waxaana maalmaha soo socda la filayaa in la soo dhameystiro doorashada kuraasta ka harsan Golaha Shacabka si ay uga qeyb galaan doorashada Guddoonka Golaha.