Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay dil shalay loogu geystay Muqdisho nin lagu magacaabo Atooraha badda oo ka mid ahaa dadka sida weyn loogu yaqaano baraha bulshada.
Afhayeenka waxaa uu beeniyay in dilkaasi ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan balse waxaa uu sheegay in uu dilay atooraha nin saaxiibkiisa ah oo lagu magacaabo Leeflefow.
“Atooraha Badda Dilkiisa waxaa qirtay saaxiibkiis Leeleefoow oo muran lacageed uu soo kala dhex galay” ayuu yiri afhayeenka ciidanka booliska.
Ninkaan dilka geystay ayaa la shaqeyn jiray Atooraha badda waxaana uu la jili jiray filimaanta, waxaa la sheegay in muran lacag dadka muxsiniin ah ay soo direen oo dhan Lix kun oo dollar ay ku dagaallameen.
Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa sheegay in kiiskaan uu marin habaabiyay ninkii dilka geystay balse ugu dambeyntii uu qirtay haddana uu ku jiro gacanta hay’addaha Ammaanka.