Sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo kolonyo uu watay Sarkaal lagu magacaabo Col Saney Cabdulle ayaa qarax Miino waxaa lagula eegtay inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad.
Saraakiisha Ciidanka ayaa xaqiijiyay in Qaraxa oo ahaa Miino uu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen Askar, ku dhawaad 10askari ayaa la xaqiijiyey iney ku geeriyoodeen, halka into intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.
Col Saney Cabdulle ayaa ka badbaaday Qaraxa.
Ciidankaan ayaa u socday magaalada Jowhar oo maanta ay ka dhici doonto doorashadda ilaa 3 kursi oo mid ah golaha Shacabka.