Maxkamad xukun ku ridday musharaxii hore ee Madaxweynaha Masar written by Warsan Radio 31/05/2022 Maxkamad ku taalla waddanka Masar ayaa Axadii xabsi dheer ku xukuntay musharrixii hore ee madaxweyne Abdel Moneim Aboul Fotouh iyo dhowr qof oo kale oo caan ah oo ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin ee la mamnuucay, iyadoo lagu soo eedeeyay inay qorsheynayeen inay afgembiyaan dowladda.Aboul Fotouh, oo ku jira da’da 70-ka, sida laga soo xigtay qoyskiisa ay la ildaran xaalado caafimaad, waxaana lagu xukumay 15 sano oo xarig ah oo racfaan uu ka qaadan karo, sida uu dhigayo go’aanka maxkamadda.Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in kumannaan siyaasiyiin, dad u dhaqdhaqaaqa bulshada, iyo saxafiyiin lagu xiray Masar kadib maxkamadeyn caddaalad darro ah ama aan sharci aheyn.Aboul Fotouh ayaa ka baxay ururka Ikhwaanul Muslimiin sanadkii 2011 kadib markii la isku khilaafay doorka diinta ee siyaasadda wuxuuna aasaasay xisbiga Strong Masar, isagoo bilaabay olole madax-banaan 2012-kii.Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa markii dambe ku eedeysay inuu la kulmay madaxda Ikhwaanul Muslimiinka si uu qalalaase u kiciyo, taasoo uu beeniyay.Waxaa la xiray bishii Febraayo 2018 kadib markii uu bixiyay waraysiyo uu si weyn ugu dhaliilay madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi, bil kahor intaan Sisi dib loo dooran. Maxkamad xukun ku ridday musharaxii hore ee Madaxweynaha Masar was last modified: May 31st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Baydhabo next post Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka & Safiirka Sacuudiga? You may also like Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan 04/06/2020 C/Weli Gaas: Matalaada Muqdisho waa kalmad xaq ah balse baadil loola jeedo Daawo 02/07/2020 Akhriso Khudbaddii Madaxwayne Farmaajo ee xaaladda Dalka 28/04/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 19/05/2021 Dhageyso:- Warka Duhur ee Idaacda Warsan 28/12/2021 Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab 03/11/2020 Dhageyso:-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Somaliy Ugees Xasan Cabdi 13/07/2016 Akhriso:- Qoyska reer Boqor oo kula kulmay Qasriga magaalada Riyadh wiilka uu dhalay Khashoggi ee Salah 23/10/2018 Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 24/02/2022 Toogasho Ka Dhacday Magaalo Ka Tirsan Mareykanka Oo Lagu Dilay Muwaadin Soomaali Ah 31/12/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.