Baydhowy-{WMN}-Inta la xaqiijiyay Hal ruux ayaa geeriyooday halka laba kale ay dhaawacmeen kadib Shil gaari oo ka dhacay Agagaarka laamiga Degmada Deeyniile gaar ahaan halka loo yaqaano Dhista Xaafada Siisii.
Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Gaari Cabdi Bille ah oo uu watay Taliyaha Amniga degmada Deeyniile oo lagu Magacaabo Gaal Geylac uu jiiray (dardaray) Mooto Bajaaj ay saarnaayeen Haween Aroos u socday, waxana halka qof ee shilka ku dhintay uu yahay Haweeneey lagu Magacaabi jiray Hani Cabdirisaaq Yuusuf.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in Gaariga falkaan geystay oo ay Ciidamada saarnaayeen uu iska sii socday, waxana Goobta tegay Ciidamo Boolis ah iyo dadweyne, kuwaas oo Goobta ka qaaday meydka iyo dhaawaca uu kamid yahay wadihii Mootada.
laamaha Amniga iyo Maamulka degmada Deeyniile ayaan weli ka hadlin shilkaan, waxaana qaar kamid ah Ehellada dadka ku waxyeeloobay shilka ay dalbadeen inay cadaalad u helaan dadkooda.